Haweenka Jubbaland oo sheegay in ay garab taaggan yihiin Ciidamada ku sugan Jiiidda Hore ee Daggaalka.

314

Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Jubbada Hoose Faadumo Aadan Kateela oo manta shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda ayaa sheegtay  in la dhiiri galiyo halyeeyda  habeen iyo maalin u taaggan in ay ka hortagaan dhagarta cadowga,

Bulshada reer Jubbaland ayeey ugu baaqday in la garab istaago ciidamada qeybahooda kala duwan ee Jubbaland iyo kuwa XDS oo maalmahii la soo dhaafay guulo taarikhi ah ka soo hooyey jiidda hore ee dalka.

Iyado xustey ka Haween ahaan in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ciidamada qalabk sida ee Jubbaland, ayna sii wadi doonaan dadaalka ku aaddan garab istaagga Ciidamada daggaalka kula jira Argagixisada.

Guddoomiyaha  Haweenka Gobolka Jubbada Hoose Faadumo Aadan Kateela  ayaa waxay ciidamada ugu baaqdey in ay Marnaba ka caajisin daggaalka ay malleeshiyada  khawaariijta ee Al-shabab.