Dhageyso:Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiiboyinka Jubbaland oo ka digtay qatarta Roobabka Gu’ga

217

Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiiboyinka Jubbaland ayaa Waxa ay ka warbixisay roobab guga oo ka curtay qeebo ka mid ah jubblanad waxa ayna sheegatay in labada Asbuuc ee nagu soo wajahan in degmooyin ka kala tirsan gobolada jubbada hoose iyo gedo in ay ka di’idoonaan roobab xoogan oo laga digaayo in fataahado ay dhaliyaan

Warka kasoo baxay wasaarada ayaa digniino loogu diray dadka degan deegaanada uu maro Webiga Jubba,iyo togaga in ka fogaadaan kuwaasi oo laga filan karo sida la saadaaliyaya fataaho waxaana loogu baaqay dadka in ay u guuraan goobaha dowlada ay u sahmisay kal hore.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gargaarka Aadan faarax Gaarane ayaana warbixin ay soo saartay wasaarada gargaarka warbaahinta u aqriyay waxa uuna sheegay in degmooyinka ku kala yaal jubbada hoose iyo gedo uu ka curtay roobka deerta.