W. Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland oo qabatay wacyi gelin ah oo ku aadan waxyeelada roobabka Gu’ga

247

 

Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlada Jubaland ayaa saaka u qabatay maamulka Degmada Kismaayo iyo Bulshada Ra’yidka kulan wacyi gelin ah oo ku aadan waxyeelada roobabka Gu’ga oo ka curtay deegaanada Jubaland, kuwaas oo la saadaalinayo in ay fatahaad hor leh gaysan karaan.

Kulankaan oo uu daah furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland, Aden Garane ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyeelada uu la imaan karo roobka Gu’ga iyo sidii looga hortagi lahaa. Agaasimaha oo ku dheeraaday khasaarihi fatahaada El-Nino ee Deyrti eeynu soo dhaafnay iyo xiriirka ka dhaxeyn karo labadan xili roobaad.

Dhulka oo wali biyo ka dharagsan awgeed ayaa sababi karta in roobabka gu’gu fatahaad geystaan, loogana baahan yahay bulshada ra’yidka in eey taxadar iyo ka hortag dheeriya la yimaadaan. ayuu yiri Agaasime Aaden.

Ururada Dhalinyarada, Haweenka, Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Degmada Kismaayo ee lagu casumay madasha oo ka hadlay shirka ayaa Wasaarada ooga mahadceliyay xilkasnimada ay sameysay, waxeyna balan qaadeen in fariintan u gudbin doonaan bulshada inteeda kale.

Jubaland ayaa kamid ah meelaha oogu daran oo eey saameysay fatahaadi El-Nino ee Deyrti eynu soo dhaafnay.