Haween Nolasha qoyskooda si wayn ugu tiirsan tahay Ramadaanka

296

Caasho cali xassan oo ah hooyo heysata 4 caruur ah ayaa ka shaqeysata wax yaabaha mac-macaanka sida Saanbuuska, Burka la dubo iyo qudaarta lashiido ee cabitaan ahaan loo isticmaalo, taas oo ay ku maareeyso qoskeeda iydoo sidoo kale ka biisha waalidkeeda.

Caasho oo ganacsigeedaan yar uu marxalado kala duwan soo maray ayaa hadda sheegtay in ay faaido badan ka hesho labo sano ka dib oo ay howshaan ku jirtay, waxayna sheegtay in ay ku filan yihiin waxa ka soo gala meheraddaan caruurteeda iyo qoyska intiisa kale.

Sidookale waxa ay noo sheegtay in ay ka caawisay qarashka ay ku billowday ganacsigaan yar gabadh kale oo ay ehel yihiin oo ku dhiiri galisay shaqadaan taas oo marka loo eego ka dhib yar tii ay hore uga shaqeyn jirtay ee dhagax jabinta, ayna sheegtay in ay rafaad badan ku qabtay oo waxa ka soo gali jirayna aysan ku filneyn maareynta qoyskeeda.

Fartuun Cabdullaahi Adan oo iyadana ah hooyo heysta 6 caruur ah ayaa inoo sheegtay in ay ganacsigaan billoowday labo sano iyo bar ka hor ka dib markii ay qoyskeeda wax kaloo ay ku dabarto ay waysay, hadana waxa ay ka hesho ay ka bixiso wax barashada caruurta iyo biilka qoyska intiisa kale, iyadoona sheegtay in ay faaido badan ka soo gasho xilligaan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan taas oo aad loo isticmaalo qudaarta la shiido iyo mac-macaan uu ka mid yahay saambuuska, iyadoo ay intaas ku dartay in sababta ay u dooratay ay tahay shaqadaan  tahay mid fudud oo ay dumarka ka soo bixi karaan