Ciidanka Nabad sugida Jubbaland iyo kuwa ATMIS ee fadhigoodu yahay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa hawlgal qorshaysan kasameeyay tuulada Dhagaxa oo hoostagta degmada Dhoobley.
Hawlgalkan oo ahaa mid todobaadkanba socday ayaa Ciidamada nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland oo kaashanaya cidamada ATMIS ayaa ahaa mid lagu baacsanayey kooxda jid iyo jahadiidka ah ee Argagaxisada kuwaas oo dhawaanahanba ku dhumaaleysanayey tuuloyin hoostaga degmada Dhoobley.