Waa Maxay sababta ay isku soo baxa maanta udhigayaan Shacabka Muqdisho ?

331

Shacabweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax ay ku taageeryaaan hannaanka dhamaystirka Dastuurka oo hadda maraya marxaladii ugu dambaysay ee ansixinta.

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb qaadanaya qaybaha kala duwan ee Shacabka sida Ardayda,waayeelka,Haweenka dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda.

Sidoo kale waxa Banaanbaxan Shacabka kala qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladd Soomaaliya kuwaas oo ugu horeeyaan maamulka Gobolka Banaadir,Goleyaasha Baarlamaanka iyo Golaha wasiiradda,ugu horayn waxa halkaas Shacabka kula hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale isagoo sheegsy i  dhamaystirka Dastuurka tahay Shacabka Soomaaliyeed oo helay xuquuqdoodii,sidoo kalena Haya’addaha u xilsaaran Dastuurku wakiil uga yihiin Guddoomiye Madaale “Soomaaliya waxaa dastuurka wakiil uga ah labada Aqal ee baarlamaanka, go’aanka iyaga ayaa iska leh, xubnaha diidan shaqada socota aragtidooda ha geeyaan kulamada Baarlamaanka.”

Sidoo kale wasiir kuxigeenka Wasaaradda warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla oo ka mid ahaa Madaxdii Shacabka kula hadashay Daljirka Dahsoon ayaa yiri “Qof kasta ha ogaado, dadka diidan dhameystirka dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado.”

Dhinaca kale Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Yabhoo oo isaguna goobta ka hadlaya ayaa yiri “Dadka Soomaaliyeed waxaan ka rabnaa inay dowladooda ku garab istaagaan dhameytirka dastuurka, si qaranimo buuxda aan u gaarno.”