Eedaysanayaal ka tirsan khawaarjita Al shabab oo maanta la horkeenay maxkamada Ciidamada Jubaland,

356
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta la horkeenay eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan, iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in ay ka wada qeyb qaateen dilka AUN Marxuum Sheekh Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ( Cabdullaahi Dalab) kaas oo lagu dilay bartamaha suuqa magaalada Kismaayo bishii June sanadkii 2016-ka.
Eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan, Cabdimaalig iyo Salmaan oo baxsad ah waxa ay kasoo kala jeedaan gobollada Banaadir, Baay iyo Jubada hoose wixii ka dambeeyay sanadkii 2012-ka ayey ku biireen Khawaariijta waxay tababaro kala duwan ku qaateen gobolka Jubada dhexe gaar ahaana degmada Jilib,
kadibna waxaa loo soo diray magaalada Kismaayo si ay uga fuliyaan dilal qorshaysan oo ay kala shaqeeyeen dhagar-qabayaal kale oo magaalada ku dhuumaalaysanayay.
Eedeysanaha saddexaad Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan kana tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland, xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Jubbaland waxa uu kusoo eedeeyay in uu gacan siiyay,
gabbaadna u noqday islamarkaana uu magaalada ku hayay dhagarqabayaashii dilay AUN Marxuum Sheekh Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ( Cabdullaahi Dalab) oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqaannay deegaannada Jubbaland ahaana Macalin soo saaray aqoonyahanno badan oo dalka wax taray.