Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee dowladda Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo dalka dibaddiisa safar shaqo ugu maqnaa ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.
Madaxwayne-ku xigeenka waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey xubno kamid ah golayaasha xukuumadda iyo wakiiladda dowladda Jubbaland, guddoomiyaha gobolka Jubbada hoose iyo guddoomiyaha degmada Kismaayo.