Gudoomiyaha Degmada Luuq ee gobolka Gedo Daahir Muxumed Nuur iyo gudoomiye kuxigeenka degmada oo ka jawaabaya codsi uga yimid ardayda ufariisanaysa imtixaanadka shahaadiga ee fasalka sideedaad oo gaaraysa 140 arday lagana rabo 25$ arday kasta,
ayaa waxaa uu maanta gudoomiyaha degmada uu booqday iskuulka hoos, dhexe ee Luuq waxaana uu maamulka Iskuulka kuwareejiyay lacagti ay ka codsadeen ardayda si uu u dhiirigeliyo islamarkaana uu ugu muujiyo garab istaag.
Gudoomiyaha degmada Luuq Daahir Muxumed ayaa sheegay in uu yahay waajib ka saaran maamulkiisa garab istaagga goobaha waxbarashada si loosoo saaro jiil aqoon leh oo bulshada haga.