Jubbaland oo laga xusaay maalinta caalamiga biyaha,

351

Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee biyaha taasi oo dunida oo dhan laga xuso.

Munaasabadda oo ay soo agaasintay wasaaradda tamarta iyo khayraadka Biyaha Jubbaland ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, gudoomiyaha gobalka Jubbada hoose, guddoomiyaha degmada Kismaayo, guddoomiyaha rugta ganacsiga ururka haweenka, odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah shirkadaha gaarka loo lee yahay ee biyaha ee fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo.

Ugu horrayn Agaasimaha waaxda biyaha ee Wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha Jubbaland Liibaan Mowliid ayaa ka warbixiyay waxqadka wasaaradda iyo howlaha ay tiigsanayso sannadaha soo socdo.