Gudoomiyaha Degmada Kismaayo oo kulanka la qaatay bulshada rayidka iyo shirkadaha adeegyada bulshada .

348

Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed faraweyne ayaa maanta Gudoomiyay kulan looga hadlaayo u diyaar garowga wajiga 3 aad ee dhismaha wadooyinka laamiga ee magaalada Kismaayo
Kulanka ayaa waxa uu u dhexeeyay bulshada rayidka ,shirkada bixiya adeegyada bulshada iyo maamulka degmada Kismaayo waxaana u jeed kiisu ahaa sidii loo fududeen lahaa shaqooyinka dhismaha wadooyinka laamiga ah

Iski duwaha mashruuca dhismaha Waddooyinka Laamiga ah ee kismaayo ayaa waxa uu ka warbixiyey qaabka dhismaha loo jiheenaayo asaga oo baaq u diray bulshada kismaayo

Maayarka magaalada Kismaayo cumar faraweene oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu faray shacabka kismaayo in ay u dhego nuglaadaan Awaamirta maamulka degmada iyo maamulka wada dhismaha wadooyinka laamiga ah ee magaalada.