Ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa saakay qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga sifeeyeen Khawaarijta, deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoos taga degmada Xarardheere ayey ciidamadu ka raacdeeyeen Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku imaa jirtay halkaas.
Sarkaal lagu magacaabo Cabdulqaadir Kadiido oo ka tirsan xoogga dalka ayaa hoggaaminayey ciidanka deegaanka ee maanta fuliyey howlgalkaan, waxaana maalmihii lasoo dhaafay aagga degmada Xarardheere ka socday howlgallo is dabajoog ah oo Khawaarijta badan lagu dilay.