Wasiir kuxigeenka Amniga Jubbaland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Bebe Familiar oo ah lataliyaha UNPOL

317

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga gudaha dowlada Jubbaland mudane Aaden Axmed Xaaji ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Bebe Familiar oo ah lataliyaha UNPOL

Waxaa kulanka goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga gudaha dowlada Jubbaland,Taliyaha Ciidanka Boliska ee qeybta gobolka Jubbada hoose, Lataliyaha Wasaaradda Amniga,iyo saraakiil kamid ah ciidanka booliska dowlada Jubbaland.

Kulanka ayey wasiirka iyo lataliyaha UNSOM/JNPOL kaga wada hadleen dardargalinta mashaariicda Lagu hormarinayo Booliska,Tababarada iyo sare u qadidda aqoonta ciidanka booliska Dowlada Jubbaland.

Dhanka kale Wasiir kuxigeenka ayaa kaga mahad naqay Booqoshada marwo beby Familiar isagoo bogaadiyey shaqooyinka dardargalinta leh ee ay UNPOL lawadaan ciidanka booliska dowlada Jubbaland.