Wasiirka Wasarada Haweenka Jubbaland oo ciidanka xoogga dalka oo ku sugaan deeganka Baar Sanguuni oo gaarsiisay Katiifado iyo agab kale,

393
Wasiirka Wasarada Haweenka Jubbaland Cadar Ismaaciil Cabdullaahi Juuraati oo ay weheliso gudomiyaha hawenka gobolka Jubbada hoose Faadumo Aadan Kateela ayaa maanta gaarsiisay guutada 11ad qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Somaliyeed ee ku sugan deeganka Baar Sanguuni ee duleedka magalada Kismaayo shixnad dhar,
Katiifado iyo agab kale ka kooban, taas oo ay ugu talagashay in ay ku dhiirigaliso geesiyada naftooda u huraya shacabkooda.
Wasiirka ayaa ciidamada kula dardaarantay in ay halganka sii labajibbaaran si looga adkaado kooxaha nabad-diidka ah.