Tartanka Guddoomiyaha ururka kubadda cagta Jubbaland ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, iyadoo tartan adag kadib uu loollankaasi ku guuleystay Axmed Cabdullaahi Axmed (Qaldaan) oo noqonaya guddoomiyaha cusub ee ururka Kubadda Cagta Jubbaland.
Gudoomiyaha cusub ayaa ka guuleystay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed (Suufi) oo u tartamayay xilkan, sidoo kalena ay si wayn u loolameen Guddoomiye Qaldaan oo ugu dambeyn ku guuleystay kursiga guddoomiyaha ururka kubbadda cagta Jubbaland.
Ururka Kubadda Cagta Jubbaland oo ay muddo dheer caqabada badan hareeyeen ayaa la rajeynayaa in ay tani wax wayn ka tari doonto, iyadoo lawada eegayo dhabbaha uu qaado Gudoomiyaha cusub ee ururka iyo sida uu wax badan uga badalo culaysyadii ururka mudada ku hor gudbanaa.