Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan oo lagu dilay magaalada Cabudwaaq

319

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ku geeriyooday marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa wariye iyo samafale ka shaqeeya gudaha magaaladaasi.

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo uu geystay nin waardiye ka ahaa xarun lagu hayo carruur agoon ah oo maamule ka ahaa marxuumka geerdiyooday.
Xarunta uu ka howlgalayay ayaa waxaa lagu magacaabaa Taakulo, taas oo qaab iskaashi ah ku hirgeliyeen jaaliyadda iyo wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug.

Sida uu Radio Kismaayo u sheegaymid ka mid ah ehlada marxuumka Cabdikariin Bulxan iyo askariga waxaa soo kala dhex-galay muran, isaga oo kadib ku furay rasaas, taas oo ka haleeshay madaxa, wuxuuna mar dambe sidaas ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Cabdikariin oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa si gaar ah uga howlgalayay haatan warbaahinta dowladda, isaga oo wakiil uga ahaa gobolka Galgaduud, gaar ahaan Caabudwaaq.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay madaxda wasaaradda warfaafinta oo uu ka tirsan Cabdikariin Bulxan oo ay dishay gacan ka xaq daran.