Wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta Jubblanad oo wada qaban qaabada tartanka sanadlaha ah ee Quraanka Kariimka .

316

 

Wasiirka wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta jubblanad oo ay wehliyaan wasiirka gaadiidka jubblanad iyo qaar ka mid ah culimada magaalada kismaayo ayaa maanta magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyeen gudiga culimda tartanka qur’aanka kariimka ah ee sanad walba bisha ramadaan lagu qabto magaalada Kismaayo

culimada oo ka soo amba baxay magaalada muqdisho ayaa magaalada Kismaayo waxa ay usoo gaareen in garsoor ay u noqdaan tartanka qur’aanka kariimka ee lagu qabanaayo magaalada kaasi oo abaal Marino lagu gudoonsiiyo guuleeys tayaasha tartanka

Shiikh cabdirashiid weli ibraahim gudoomiyaha mu’asasada al umma oo soo dhaweenta ayaa ugu horeen ka hadlay soo dhaweenta culimada

Shiikh cabdi casiis cabdulaahi oo ka mid ah culimada gudiga tartanka qur’aanka kariimka ee soo dhaweeyeenta loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa masuuliyiinta iyo culimada waxa uu kaga mahadceliyay soo dhaweenta wanaagsan ee Kismaayo loogu sameeyay

Wasiirka wasaarada owqaaafta iyo arimaha diinta maxamed yuusuf cumar ayaa ugu danbeen ka hadlay soo dhaweenta gudiga culimada tartanka qur’aanka kariimka ah