Wasaaradda Gargaarka Dowladda Jubbaland oo Degmada Doolow ku qabatay shirka xiriirinta Arimaha samafalka,

282
Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo Masiibooyinka Dowladda Jubbaland ayaa Degmada Doolow ku qabatay shirka xiriirinta Arimaha samafalka Jubbaland,
Kulankan uu shir Gudoominayay Agaasimaha guud ee wasaaradda, Mudane Aadan Farax Gaarane ayaa looga hadlay xaaladda guud ee samafalka kadib fatahadaha wabiyadda Jubba iyo Daawo, baaxadda jawaabihii laga bixiyay, arrimaha deeq-leexsashada iyo sidii loo joojin lahaa ka ganacsigeeda iyo sadasha cusub ee cabsida fatahadaha roobka Gu’ga,
Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda howlaha guud iyo guryeenta Mohamed Mursal, Saraakiil kasocotay Wasaaradaha Qorsheynta, Biyaha, Caafimaadka Jubbaland, isuduwaha wasaaradda gargaarka Jubbaland ee Degmada Doolow Ali Muhumed iyo Hay’addaha Samafalka,