Madaxweyne ku-geenka Dowladda Jubbaland oo Maanta kormeeray habsami u socodka shaqada Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo,

294

Madaxwayne Ku-xigeenka koowaad ee dowladda Jubbaland Mudane  Maxamuud Sayid Aadan oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ayaa  Booqday Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle ee Magalada Kismaayo,

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Qiimeyn Ku Sameeyay Qaabka Loogu Adeego Shacabka Ka Dhoofaya iyo kuwa ka soo daga Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,

Maareeyaha Guud Ee Garoonka Cabdirizaaq Aadan Maxamuud ayaa Warbixin Kooban Ka siiyay Madaxwayne ku xigeenka Shaqada Ka socota gudaha Garoonka.

Madaxwayne ku Xigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adan Ayaa Ballan Qaaday In Dowladda Jubaland  Ay Kaallin Wayn Ka Qaadan Doonto Sidii Loo Hormarin Lahaa Garoonka Waxaa Sidoo Kale uu Ammaanay Sida Hufan Ee Loogu Adeego Shacabka Ka Dhoofa Airport Sayid Maxamed cabdulle Xasan iyo kwa ka soo daga,