Mdaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Kulaa laa qatay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka QM,

305

Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka Hirshabeelle iyo hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ee wada shaqeynta la leh hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellada dhexe iyo guddoomiyaha degmada Jowhar, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii ay dhinacyada u dardargelin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo.

“Dhankeenna wada shaqeyn hufan ayaa naga diyaar ah, waxaan rajeynayaa in kulankan kaddib si wadajir ah loo wajaho howlaha dhammaanteen hor-tebinta inoo leh, mana aqbali karno in shaqadda ay dhaqaaqi weyso.”

Ku-simaha madaxweynaha ayaa bogaadiyay masuuliyiinta ka kala socotay UNOCHA iyo WFP kuwaas oo Jowhar u tagay shirka labada dhinac.