Dhageyso:Maamulka gobolka Benaadir oo faray laamaha amniga feejignaan inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.

283

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Hussein Jimcaala Ayaa soo saaray awaamiir ku Addan ilaalinta iyo bad qabka shacabka caasimadda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo sidookale farriin u diray maqaaxiyaha iyo hoteellada magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Madaale ayaa sheegey in inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan loo baahan yahay in la ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka, isagoo faray laamaha Amniga in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta lagu guda jiro bisha soon qaad.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa amarro culus dul dhigay Hoteellada iyo mayaayadaha oo uu sheegay in ay sameeyaan cuno xilliga soonka taas oo ah mid aan habooneyd ayna tahay in lagu lagu la xisaabtamo, hoteellada ayuu sheegay in ay xilliayada dambe habeenkii lagu sameeyo munkaraad, wuxuuna hoteellada ku amray in ay san furnaan Karin wixii ka dambeeya 12:00 saqdhexe.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli laamaha amniga ay wadaan howlgallo baaxad leh oo ay ka sameynayaan gudaha iyo daafaha magaalada caasimadda ee Muqdisho.