Dhageyso:Maxkamada Darajadda 1-aad ee degmada Kismaayo oo maanta dil taagasho ah ku fulisay Xassan Cabdullaahi Cabdi oo horay Kismaay ugu dilay hooyadiis.

300
Maxkamada Darajadda 1-aad ee degmada Kismaayo ayaa maanta xukun dil ah ku filisay danbiile Xassan Cabdullaahi Cabdi oo hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar ku dilay magaalada Kismaayo bishii Juun 11 -2023.
Marxuumka maanta dilka qisaasta ah lagu fuliyay ayaa tooreey ku dilay hooyadiisa, ayad oo dilka kadib ay laamaha amaanka Dowalada Jubaland gacan ku soo dhigeen.
Nuuradiin Maxamed Khaliif oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland oo ka hadlay goobtii qisaasta lagu fulinayay ayaa sheegay in heerar kala duwan ay soo martay Maxakamada ninkaan dilay hooyadiisa.
Markii uu si bareer ah u gowracey hooyadii danbiilaha ayaa dhacdadani waxaa ay argagax ka dhex abuurtay bulshada soomaaliyeed dhexdeeda waxaana ka dhalatey fal calin balaaran.