Dhageyso:Maxaa u sabab ah in Ganacsatada qudaarta ee Kismaayo inay dibada ka keenaan qudaarta

301

Suuqyada qudaarta ee magaalada kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid noocyada kala duwan ee qudaarta iyadoo qudaarta ay saamayn wayn ku yeelatay fatahaadihii ELINO Ee dalka ku dhuftay waxaana suuqleyda qudaarta ay noo sheegeen culaysyada ka haysta helitaanka qudaarta noocyadeeda kala duwan.

Markii ay yaraatey qudaartii dalka ka soo go’i jirtay ayaa qudaarleyda waxaa ay billaabeen in ay dibadda ka soo dhoofiyaan, sida dalalka Kenya, Itoobiyo iyo wadamo kale.
Qudaarta hadda suuqyada laga la’yahay waxaa ka mid ah Yaanyada, Basasha Cambaha Mooska iyo kuwa kale.

Curashada Bishaan barakaysan ee Ramadaan ayaa ku soo aadeysa xilli dalka ay saamaysay fatahaado aad u daran, oo dalagyadii xilliyadaan soo go’I jiray ay dib u dhacaan taas oo sababtay sare u kac ku yimi qudaarta iyo in qaar ka mida qudaartii gabi ahaanba la waayay.