Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiiradda oo lagaga hadlay qodobo kala duwan,
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ka warbixisay Xaalada Amni ee Jubaland iyo sidii Ciidanka Dowladda Jubaland ay ugu howlanyihiin xoreynta deegaanada kala duwan iyadoo wasaaraddu ay Golaha warbixin ka siisay howlgaladii u danbeeyay ee laga fuliyay deegaanada hoostaga Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose,
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay sida ay Haweenka Jubaland ay u garab taagan yihiin una dhiirigalinayaan Ciidan Dowladda Jubaland ee jooga jiida hore ee dagaalka oo maalmahii kasoo dhaafay deeq kala duwan ay gaarsiiyeen,
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa Golaha ugu warbixisay safarkii shaqo ee magaalada Muqdisho ee ku saleesnaa wax ka bedelka Arrimaha Dastuurka dalka iyo wada hadaladii laga yeeshay,