Wasiir Khadiija Al-makhzoumi oo kulan la yeelatay Iskuduwaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay

282

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Iskuduwaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay Mudane George Conway,

Kulanka Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saaray, isbeddelka cimilada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo xidhiidhka deeq-bixiyayaasha ee dalkeena, iyo sidii xoogga la saari lahaa xoojinta xiriirka aan la leenahay Sanduuqa Cimilada Cagaaran (GCF),

Qoraal kooban oo ay soo dhigtay Wasiir Khadiija ayey ku tiri, “Waxaan kulan la yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee UN-ka iyo Iskuduwaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay Mudane George Conway. Waxaanu ka wada hadalnay isbeddelka cimilada,

hay’adaha Qaramada Midoobay iyo xidhiidhka deeq-bixiyayaasha ee dalkeena, iyo sidii xoogga la saari lahaa xoojinta xiriirka aan la leenahay Sanduuqa Cimilada Cagaaran (GCF).