Hoosingoo oo yeelanaysa Dugsi Sare iyo Garoon diyaaradeed

292
Xildhibaan Cabdirahman Cashir Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa safar shaqo ku tagay deegaanka Hoosingoo ee gobolka Jubbada hoose.
Xildhibaanka ayaa waxaa socdaalka ku wehelinayay Mohamed Khalif Cabdi Agaasimaha dakhliga ee deeganka hoosingo, Xuseen Ibraahim Maxamed oo ah qurba joogta deeganka iyo Aadan Xuseen Cumar oo ah aqoonyahan.

Ujeedka safarka Xildhibaanka iyo wafdigiisa ayaa daarranaa wacyigalin ku aadan sida amniga iyo xasiloonida ay shacabka deegaanka Hoosingoo uga qayb qaadan karaan, iyo fariisinta nidaam maaliyadeed oo la jaanqaada kan Jubbaland.
Xildhibaan Cabdirahman ayaa intii uu deegaanka ku sugnaa waxaa uu dhagax dhigay Dugsi sare oo soo saaraya jiil aqoonyahan ah iyo Garoon diyaaradeed loogu talagalay in uu sahlo isku socodka bulshada deegaanka u socdaalaya iyo kuwa kasoo safraya.
Xildhibaanka ayaa intii uu deegaanka ku sugnaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Hoosingoo oo uu ka dhagaystay xaaladda deegaanka iyo baahiyaha jira, isagoona xusay in wax badan laga qaban doono culaysyada jira.