Dowladda Nigeria oo adkeysay ammaanka bakhaarada raashinka xilli uu sare u kacey dadka xaday cunnada guud ahaan dalkaasi.

363

Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa xoojiyay ammaanka dukaamada cuntada ee dowladda ee ku yaalla dalkaasi iyadoo ay jirto xiisad culus.
Iyadoo dadka ay la daalaa dhacayaan sidii ay u heli lahaayeen cunto, ayaa waxaa dhawaanahan sii kordhayay weerarada lagu qaadayo bakhaarada cuntada.

Hay’adda Maareynta Xaaladaha Degdegga ah ee Qaranka (Nema) Nigeria ayaa sheegtay inay kordhinayso ammaanka “si looga hortago xadgudub kasta” oo ka dhaca xafiisyadeeda iyo bakhaarrada dalka oo dhan.
Arrintaan ayaa imaanayasa iyada oo dadka deegaanka ay jabsadeen oo bililiqeysteen raashin ay ku jiray bakhaaro ku yaallay caasimadda federaalka Nigeria ee Abuja.
Muqaalo laga duubay dhacdadaan oo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo isugu soo baxay xarunta lagu keydiyo raashinka ee qaranka kuwaas oo sita juwaaano qamandiya.
Booliska ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaaladda la xakameeyey.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo dalka uu ka jiro dhaqaale xumo taasoo keentay in qiimaha badeecadaha iyo adeegyadu uu sare u kaco.