Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

285
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jubaland Cabdishakur Shekh Maxamed Rashiid iyo qeybo ka mid ah bahda Garsoorka ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulayman Mohamed oo uu Waheliyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Baashe Yuusuf Axmed oo maanta safar shaqo kusoo gaaray Jubbaland.
Ujeedka socdaalka masuuliyiinta ayaa daarran ka qeyb-galka Shirka Golaha sare ee Machadka Tobabarka Garsoorka Soomaaliya oo ka qabsoomaya magaalada Kismaayo, waxaana iskugu iman doona qeybaha kala duwan ee Garsoorka dalka ee heer Federaal iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.