Maxkamadda G/Banaadir oo mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud

293

Maxkamadda G/Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga Dacwadda eedeysanaha la qaadi doono maalinta Arbacada ah Tariikhdana tahay 21/2/2024,saacddu Markey tahay 09:00 Subaxnimo,taliska hoggaanka CID ayaa lagu wargaliyay in eedeysanaha ay xiligaa horkenaan maxkamadda.

Dhawaan ayay ahayd markii eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud uu xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Luul Cabdicasiis uu ku gubay degmada Dharkenley,maalmo kadibna ay u geeriyootay dhibaatada dabku u geystay.