
Hal qof ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay weerarkaasi oo xalay ka dhacay Degmdda Klaye Soyli oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Paris,sida ay shaaciyeen Hay’addaha Ammaanka.
Nin ku hubeysanaa Tooreey oo u dhashay dalka Senigal ayaana la qabtay, kaasi oo la sheegay in Toorey ku dilay Nin dhallinyaro oo ka shaqeynayey Bakhaar lagu iibiyo Mobaylada, halka uu si xun u dhaawcay qof ka mid ah Macaamiisha oo doonayey inuu kala dhex galo.
Ninka la dilay oo ahaa Kaaliyaha Mamulaha Dukaanka lagu iibiyo Mobaylada ayaa la sheegay inuu ahaa 18-jir.
Dhinaca kale, Telefishinka dalka Faransiiska ee BFMTV waxa uu baahiyey in Ninka dilka geystay oo 62-jir ah uu ahaa qof horey Boliska ugu diiwaan gashanaa Dembiyo la xiriira Daroogada

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







