Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo golaha shacabka horgeeyey Hindise sharciyeedka Dad-dhigista

290

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta hordhigay golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Hindisaha-sharci ee Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, isaga oo ka hor akhriyay sharcigan oo udub-dhexaad u ah qorsheynta howlaha hormarineed ee taabanaya nolosha muwaadinka oo ay dowlad fuliso.

Ugu horreyn, muadne Axmed Macallin Fiqi waxaa uu golaha u sharaxay sooyaalka nidaamkan isaga oo yiri “ Hindisahaan-sharci ayaa nidaaminaya adeegga dad-dhigidda oo adeeg aad u fac weyn, kana mid ahaa adeegyadii ugu horreeyay ee ka hirgalay geyiga Soomaaliya muddo laga joogo boqol iyo laabatan sano, waxaana markii ugu horraysay uu ka dhaqangalay gobollada waqooyi ee Soomaaliya iyadoo Boqortooyadii Ingiriiska ee ka talinaysay dhulkaasi ay dejisay shuruuc nidaaminaysay arrimaha dhalashada, dhimashada, guurka iyo furiinka muddadii u dhaxaysay 1902dii illaa 1904tii. Sidoo kale, dowladdii Talyaaniga ayaa iyana soo saartay shuruucda nidaaminaysa arrimaha dad-dhigidda ee Soomaalidii iyo shisheeyihii xilligaasi ku noolaa Soomaaliya. Ugu dambeyn, waxaa adeeggii dad-dhigidda la middeeyay markii la qaatay xorriyada, israaceen labada gobol ayna dhalatay Jamhuuriyaddii 1aad Dalkeena taasi oo loo garanayay Jamhuuriyaddii Soomaalida, wuxuuna adeeggaasi si habsami leh u socday illaa burburkii Dowladdii Dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1991kii.

Hindisahaani-sharci oo ka kooban lix cutub iyo 46 qodob, isla markaana nidaaminaya diiwaangelinta iyo tirakoobka xaaladaha khuseeya dhalashada, guurka, furiinka, dhimashada iyo kafaalqaadka ubadka ayuu Wasiir Fiqi ku dheeraaday ujeedooyinkiisa sida;

(1). Dhisidda iyo hirgelinta adeeg Dad-dhigis oo midaysan, casri ah, tayadiisu sarreyso ah si fududna loo heli karo kuna baahsan dalka oo idil

(2). Nidaaminta iyo daadejinta hawlaha Dad-dhigista iyo bixinta shahaadooyinkooda

(3). Adkaynta kaalinta dowladaha hoose ay ku leeyihiin bixinta adeegyada Dad-dhigidda

(4). Yagleelidda xog-dhigga/kaydka Qaran ee dhammaan Diiwaanada Xaaladaha Madaniga ah iyo kuwa qoyska

(5), Soo-saarista warbixinnada Tiro-koobka Xaaladaha Madaniga ah kuwaasi oo tayadoodu sarrayso;

(6). Dhisidda heykal maamul oo u xilsaaran fulinta adeegyada Dad-dhigista iyo Tirokoobka Xaaladaha Madaniga ah iyo qeexidda doorarka ay kala leeyihiin;

(7). Hirgelinta xarumo diiwaan-gelin oo lagu fulinayo hawlaha Dad-dhigista iyo tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah

(8). Joogtaynta leylinta diiwaan-hayeyaalka, hawl-wadeennada iyo xirfadleyaasha fuliya hawlaha Dad-dhigidda ee heer qaran, dawlad-goboleed, degmo, tuulo iyo miyiga fog; iyo

(9). Xoojinta wada-shaqeynta hey’addaha qeybta ka ah hawlaha Dad-dhigista iyo Tiro-koobka Xaaladaha Madaniga ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in adeeggan ay muwaadiniinta ka heli doonaan degoomiyinka dalka, iyada oo ay intaa dheer tahay in dhammaan shahaadooyinka ay bixinayaan dowladaha hoose ay yeelanayaan awood sharci iyo aqoonsasho isku mid ah iyo in muwaadinka ku heli doono shahaadada dad-dhigista qiimo jaban marka uu sharcigaani dhaqangalo