Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa xubnaha guddiga Dastuurka kala hadlay qaabka ay ugu diyaar garoobeen gudagalka doodda afarta cutub ee ugu horraysa

401
Guddoomiye ku xigeenka koowaad golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehelisay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta xarunta Aqalka Sare kulan kula qaatay guddoonka guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa xubnaha guddiga Dastuurka kala hadlay qaabka ay ugu diyaar garoobeen gudagalka doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka, qaabka loo hagayo maalmaha doodda iyo jadwalaynta cutubka ugu horraya ee laga doodayo.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.