
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee madaxtooyada Dowlada Goboleeska Hirshabeelle oo muddo tababar uga socday Caasimada Jowhar.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidankaan daraawiishta ah ay u diyaarsan yihiin adkeynta amniga caasimada, Madaxtooyada sidoo kalana ay ka qeyb qaadan doonaan wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo kooxda khawaarijta ah