GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTA

363
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.
Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhammaan xubanaha guddiga, kulanka waxaa looga hadlay ajandeynta kulamada guud ee kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale xubnaha guddiga ayaa ka dooday heshiisyada caalamiga ah ee Dowladda ay gasho iyo sii-waddida hindise sharciyeedyada maray akhriimaha kala duwan.
DHAMMAAD