![efd61325-d326-4965-87b3-bf682a608ca4-860x645](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2023/12/efd61325-d326-4965-87b3-bf682a608ca4-860x645-1-696x522.jpeg)
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta gobolka Mudug kadib markii ay isaga carareen Khawaarijta.
Sida warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka, deegaanada saaka lala wareegay waxaa ka mid ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow oo dhamaan hoos yimaada gobolka Mudug.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada qaranku ku xoreynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada.