Afhayeenka ATMIS oo ka hadlay ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Madaxtooyada Qaranka By Khadar Mahdi December 17, 2023 2 Min Read

451
Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan (ATMIS), ayaa 16 Sano ka dib ka guuraya xafiisyada madaxda & Madaxtooyada Qaranka.
ATMIS ayaa gabi ahaan isaga baxayso saldhigyada ay ku lahaayeen Madaxtooyada iyo Baarlamanka dalka.
Tallaabdan ayay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay guul u tahay Qaranka Soomaliyeed, iyado oo ay Ciidamada Qaranka dusha laga saari doono mas’uuliyadda amni ee dhamaan xafiisyada ugu sareeyo dalka.
Afhayeenka Ciidamada ATMIS, Saidi Mwachinalo, oo wareysi siiyay warbaahinta , ayaa sheegay in qorshaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka uu bilowday tan iyo markii la ansixiyay go’aankii Qaramada Midoobay in Ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo mas’uuliyadda amniga.
Afhayeenka ayaa sheegay in 3,000 oo askari oo ATMIS ah ay Ciidamada Soomaaliya wareejin doonaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ku jirto madaxtooyada ilaa 31-ka bishan December.
Wajiga labaad ayaa bilaaban doona bisha May ee sanadka soo socda 2024kii, iyadoo 3,000 oo askari ATMIS ay iyaguna ka bixi doonaan dalka.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, isagoo sheegay inay tahay tallaabo muhiim ah, gaar ahaan marka la eego dagaalka ay dowladda kula jirto Khawaarijta.
Wuxuu intaas ku daray in Ciidamada Soomaaliya ee tababarrada ku maqan ay heli doonaan hub casri ah oo ay uga awood sarreeyaan kooxaha argagaxisada ah markii uu usoo dhamaado tababarka.