Wabiga Shabeelle oo degmada Jalalaqsi xaalad go’doon ah geliyay,

423
Jalalaqsi, waxay ka mid tahay degmooyinka ugu qadiimsan gobolka Hiiraan, waxayna ku taala degmadu cirifka Koonfureed gobolka dhaca bartamaha Soomaaliya ee Hiiraan,
waxayna xuduud la leedahay xadka kala qeybiya gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,
Bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi, waxay caan ku yihiin tacbashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha nool, inta badan dalagyada ka soo go’ qudaartaasi waxaa loo iib-geeyaa dhammaan gobollada duwan ee Dalka,
Balse, maanta dhulkii bilicda lahaa iyo dalagyadii ku yaalay waxaa wada gaaray fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka geystay degmada, dusha sare markaad ka eegto degmada indhahaadu ma qabanayaan bar-qaleel ah oo biyihii ayaa wada gaaray,
Inta badan dadkii degganaa Jalalaqsi waa ay ka barakaceen, waxayna dadka u qeybsameen qaar ka mid ah wali ku go’doonsan iyo qaar kale, biyaha bannaabka ka joogta oo guryahoodii ka barakacay,
Guddoomiyaha Dhallinyarada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Cismaaciil Cilme Guure oo dooni isaga kala goosta xaafadaha degmada ayaa sheegay in fatahaadda wabiga Shabeelle uu kala go’doomiyay isku socodkii xaafadaha,
Dhnaca kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo garwaaqsan muhiimadda ay leedahay ka warqabidda dadka ay saameeyen fatahaadaha wabiga oo booqasho ku tegay degmada Jalalaqsi ayaa kormeeraya goobaha ay ku nool yihiin qoysaska ka barakacay fatahaadda.
” Soomaaliya oo dhan iyo state-ka dhan ayuu dhibkani uu ku dhacay, waxaan u soconaa in ay indhaheennu arkaan dhibaatada idin haysato, Alle ayaa idin baryeynaa inuu idinka dul qaado dhibta”, ayuu yiri guddoomiye Sufurow,
Fatahaadda uu wabiga shabeelle ka geystay gobolka Hiiraan ayaa guud ahaan saameysay deegaannada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaaba socda gurmad xooggan oo ay Dowladda Federaalka wato, kaas oo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada soo gaartay,