Gudiga gurmadka Fatahaadaha Jubbaland oo kormeer ku tagay kumanaan qoysas barakac ah ee ay saameeyay fataahadda Webiga Jubba,

345
Gudiga gurmadka Fatahaadaha Jubbaland oo uu hogaaminaayay gudoomiyaha gudiga ahna madaxweyne ku xigaanka labaad ee jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta howlo shaqo ku tagay deegaanada Goobweyn iyo Qaam-qaam ee waqooyiga magaalada kismaayo halkaa oo ay kusoo barakaceen kumanaan qoysas oo uu saameeyay fataahadda Webiga Jubba iyo daadadka Roobka Dayrta ah,
Degaanka Qaam-qaam saacadahii u dambeyay waxaa soo gaarey 40087 qoys kuwaas oo kasoo barakacey degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda.
Guddiga gurmadka ayaa u kuur galay xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee dib u dejinta loogu sameeyay deegaanada Qaam-qaam iyo Goobweyn, waxayna warbixino ka dhageysteen gudoomiye yaasha deeganadaasi,