Soomaaliya oo Imaaraadka kala saxiixatay heshiis Ceelal Biyo looga dhisayo Gobihi Khawaarijta Laga Saraay,

557

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xorreeyay khawaarijta la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi,

Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraadka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada laga xoreeyay Khawaarijta,

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa,

Wasiir Tamarta XFS,Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa uga mahaceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya,