Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo booqatay Isbitaalka weyn ee Degmada Doolow,

467
Wasiir kuxigeeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland Maxamed Cismaan Jeemis iyo Gudoomiyaha Gobolka Gedo Cabdulaahi Shimbir ayaa maanta booqday Isbitaalka weyn ee Degmada Doolow oo ay ku jiran bukaano la jiifa xanuuno ka dhashay Fatahaadaha Webiyada iyagooma ku wareejiyey maamulka isbitaalka deeq daawo ah oo lagu talagalay in lagula tacaalo xaaladda Bukaanada,
 
Wasiirka iyo Gudoomiyaha Gobalka Gedo ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka uu ka kooban yahay iyo dhismaha cusub ee isbitaalka oo dhawan xariga laga jaray, waxaa ay sidoo kale booqdeen bukaano kujira isbitaalka una badan caruur iyo dad waa weyn oo ay soo wajahday nafaqa daro iyo xanuuno ka dhashay Fatahaadaha webiyadda Jubba iyo Daawo,
 
Roobabka da’ayay iyo webiyada oo buux dhaafiyay ayaa horseeday fatahaado baahsan, kuwaasoo keenay inay qoysaas badan oo Soomaaliyeed ka barakacaan guryahoodii. Saraakiisha Caafimaadka ayaa ka digaya xaaladaha ciriiriga ah iyo biyaha wasakhaysan in ay keeni karaan cudurro