Taliyaha Amniga degmada Afmadow oo kormeeray Qaybo kamiida Xafaadaha Degmada,

522

Taliyaha Amniga degmada Afmadow Siyaad Macalin Bashiir oo manta kormeeray xaafadaha kala duwan degmada Afmadow.
Taliyaha Amniga ayaa u kuur galaayey xaaladaha amniga iyo waliba saamaynta roobabka ay ku yeesheen dadka danyarta ah ee ku nool Afmadow.
Qaar ka mida xaafadaha degmada Afmadow ayaa waxaa soo gaadhay biyo ay keentay lagta dheer ee dhexmarta Afmadow.
Dadka ku dhaqan Afmadow ayaa ka walwalsan in daadadka xoogan ee ka dhashay roobabka ay saameeyaan.