wasiir ku xigeenka wasaarada Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka jubbaland oo ka hadlay fatahaada uu sameyay wabiyada jubba iyo Daawo

440

Wasiir kuxigeeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jeemis oo kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha Degmada Doolow oo uu ku fatahay Webiyadda Jubba iyo Daawo.

Wasiir kuxigeeenka oo ay wehliyaan agasimaha waaxda Gargaarka Wasaaradda, Gudoomiye kuxigeenka Doolow, madaxa arrimaha bulshada iyo Xoghayaha Dowladda hoose ayaa socod ku maray Buundada iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo barakac baahsan uu ka socday iyadoo Wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee Degmada Doolow.

Wasiir kuxigeeenka ayaa tilmaamay in Magaalada Doolow ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyadoo Magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha.

Wasiirka iyo Maamulka Degmada Doolow ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Hay’adaha samafalka inay si deg deg ugu soo gurmadaan shacabka Doolow oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Webiyadda.