Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac oo uu wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Cabdiqaadir Qaanuuni ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Maxkamadda sare ee Dowladda Jubbaland, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Saree e Dowladda Jubbaland Dr Cabdishakuur Maxamed Rashiid.
Kormeerka Wasiirka ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa u kuurgelidda habsami u socodka shaqada Maxkamadda Sare ee Dowladda Jubbaland, Waxaana uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Maxkamadda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Jubbaland Dr Cabdishakuur Maxamed Rashiid oo Xafiiskiisa kusoo dhaweeyey Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa uga waxbixiyey shaqada ay Maxkamadda Sare ee Jubbaland u hayso bulshada, isagoona xusay inay dhiirigelin u tahay booqada Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dasturka.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac ayaa bogaadiyey shaqada muhiimka ah ee Maxkamadda Sare ee Dowladda Jubbaland, waxaana uu Gudoomiyaha Maxkamadda ku dhiirigeliyey inay sii labo jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada.