Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

470

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa Gudaha dalkaas ay kudileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ka Shaqeysta dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Sooomaalig ah oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cali ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa dukaan ku yaalla xaafadda New Brighton ee magalada Port Elizabeth ee dalkaasi Koonfur Afrika

Ciidama ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaaΒ  tegay dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed balse aysan ku guuleysan inay qabtaan Burcaddii dilka geysatay.

Sanadkaan 2022 ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika si aad ah ugu kordhay dilalka loo geysanayo Ganacsatada Soomaalida ah, iyada oo dowladda Koonfur Afrika ay ku guuldareysatay waxka qabashada dilalkaas.