Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Oo Maanta Kormeer Ku yimid Xarunta Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Jubbaland.

460
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Jubbaland Mudane Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo ay wehelineyso Agaasimaha guud ee Wasaaradda Marwo Miski Yuusuf Cali ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Jubbaland.
Wasiirka oo u kuurgalayey habsami u socodka shaqada Warbaahinta Dowladda ayaa kulamo is xog wareysi ah la yeeshay Maamulka iyo howlawdeenada Warbaahinta Dowladda Jubbaland, Wasiirka ayaa sidoo kale mid mid u kormeeray xafiisyada kala duwan ee Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Jubbaland.
Agaasimaha guud ee Telefishinka Dowladda Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) iyo Agaasime ku-xigeenka Idaacadda Kismaayo Cabdullaahi Axmed Xusni oo masuuliyiinta Wasaaradda ku soo dhaweeyey xarunta ayaa uga warbxiyey shaqada Warbaahinta Dowladda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Jubbaland Mudane Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa maamulka iyo howlwadeenada Warbaahinta Dowladda ku amaanay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada.