Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Maleyshiyaadka Khawarijta Al shabaab ee ka socda deegaannada Dowlad-Goboleedkaas ayaa bogaadiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Koofurta Gobolka Mudug.
Axmed Qoor-Qoor ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya inay hadda joogaan deegaanno masaafo ahaan aad uga fog goobtii dhowaan lagu weeraray, taasi ayuu ku tilmaamay go’aan geesinimo leh oo Dadka deegaanka qaateen.
Dadka ayuu ku dhiirrageliyay in ay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah Maleyshiyaadka Khawarijta Al shabaab isaga oo sheegay in aanay ka dhimanayn dad ku dhow intii ku dhimatay Qaraxii Soobe haddii ay gacmaha ka laabtaan dagaalkaas sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada iskaashanaya ee federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug oo lagu daray Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayuu ku amaanay doorka isku duubnimada leh ay ugu gungaareen dagaalka ka dhanka ah Maleyshiyaadka Khawarijta Al shabaab.