Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Oo Kormeeray Xerada Akadeemiyada Tababarka Ciidmada Jubbaland

487
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland mudane Aadan Axmad Xaaji ayaa Kormeeray Xerada Akadeemiyada Tababarka Ciidmada Daraawiishta Jubbaland oo uu tababar uga socdo Ciidamo cusub oo loo carbinayo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta.
Wasiir ku-xigeenka waxaa kormeerka ku wehelinayey Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Sarreeye Guuto Ismaaciil Saxardiid Kaydsane, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland Maxamad Axmad Sabriye, Afhayeenka Wasaarada Amniga Jubbaland Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi, Saraakiil, Saraakiil xigeeno iyo masuuliyiin kale.
Kormeerkan ayaa daaranaa u kuurgelidda iyo qiimeynta xaaladaha ay ku suganyihiin Ciidamada cusub ee uu tababarka uga socdo dugsiga tababarka Ciidamada Daraawiishda Jubbaland, kuwaas oo dhowaan qayb ka noqon doono dagaalada dalka looga ciribtirayo Argagaxisada