Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Oo Kismaayo Ka Hirgelisay Xarun Loogu Tala Galey in Lagu Xanaaneeyo Carruurta Da’dooda Ka yar Tahay Lixda Sano.

409
Munaasabadda lagu daah furaayay xarunta xanaanada carruurta yar yar ayaa waxaa kasoo qayb galey Wasiirro, Wasiir ku xigeenno, Xildhibaanno, Agaasimayaal, Macalimiin, Maamulayaasha iskuulada, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Hay’adda Save The Childrend ayaa wasaaradda ka taageertay hirgelinta xaruntaaan oo si tijaabo ah looga hirgeliyey Kismaayo, qorshaha wasaaradda ayaa ah in xarumo caynkan ah laga sameeyo guud ahaan degmooyinka Jubbaland.
Xaruntan ayaa carruurta lagu bari doonaa casharro diini iyo maaddiba isugu jira, waxaana gudaha xarunta loogu diyaariyey qalabka ay carruurtu ku ciyaaraan, goobaha nasiinada iyo kuwa cuntada.
Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir xigeenka Wasaarada Waxbarashada Mukhtaar Kaamil ayaa xarigga ka jaray xarunta, waxaana ku weheliyey Wasiiru dowlaha wasaaradda Axmed Naaji Xaaji iyo masuuliyiinta kale ee munaasabadda kasoo qayb gashay.