Marcus Rashford ayaa magacaabay xiddiga kooxdiisa ee sida weyn uga farxiya, waana saxeex cusub oo ay kooxdu xagaagii lasoo wareegtay.
Red Devils ayaa soo iibsatay tiro ciyaartooyo cusub ah oo ay ku jiraan laba amaah ahaa, waana Sofyan Amrabat iyo Sergio Reguilon, halka ay si rasmi ah usoo iibsadeen Rasmus Hojlund, Mason Mount, Andre Onana iyo Altay Bayindir. Waxa kale oo u raacay Jonny Evans oo sannad bilaash ah u saxeexay.
Manchester United oo soo afjartay abaartii koobab la’aanta ee soo taxnayd illaa sanadkii 2017, ayaa waxa la filayey in saxeexyada cusub ay waqti horeba sii xoojiyaan tamartooda, balse la qabsi ayay u baahdeen, waana sababta ay Red Devils u dhibaatoonayso.
Marcus Rashford oo la weydiiyey haddii uu jiro ciyaartoy uu ku farxay in uu ka garab ciyaaro, ayaa waxa uu markiiba la soo booday weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund, waxaanu ydihI: “Run ahaantii aad ayaan ugu farxay, isaga.
“Waxa jirtay sannadkii hore, in waqtiyada qaarkood aanu weerarro rogaal-celis ah ku ciyaaraynay balse aanu kaliya arkaynay ciyaartoyda kooxda kale oo naga sii horreeya, qof kaliya ee aanu kubadda dib ugu soo celinayno ee naga daba imanayeyna wuxuu ahaa Bruno Fernandes.
“Laakiin sannadkan, waad fahmaysaa isbeddelka dhacay, waanu isla hadlaynaa, waanu wada shaqaynaynaa garoonka dhaxdiisa, waxaaba laga yaabaa in tababareyaashu aanay ogeyn marka aanu aniga iyo Rasmus waxaa samaynayno.”