Mucaaradka Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo ku wajahan.

581

Mucaaradka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo oo xarun Kumeel-gaar ah u ah Dowlad-Goboleedkaas si ay u xoojiyaan abaabulka ka dhanka ah muddo xileedka dhammaaday ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hoggaan u ah xubnahaan mucaaradka ku ah Madaxweyne Cabdicasiis.

Waxa ay ku doodeen in la gaaray muddadii ugu dambeysay ee loo kordhiyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen loona baahan yahay in la qabto doorasho ay ku kala calaf-qaataan musharrixiinta xildoonka ah.

Mucaaradka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo qaarkood ku fadhiya Xilal heer Federaal ah & mid Dowlad-Goboleedkaas waxaana ay muujiyeen sida ay u sugayaan in la qabto doorashada Koofur Galbeed.

Waxa ay shaaciyeen in ay dhowaan u safrayaan Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si ay halkaas kula soo kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud halkaas ku sugan muddooyinkii u dambeeyay.

Ujeedka kulanka ay la qaadanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay Xubnaha Mucaaradka ku ah Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ku sheegeen sidii ay ugula hadli lahaayeen qabashada Doorashada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.